SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo xalay is hilmaamay!

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Anagoo dhowr saxafiyiin ah ayaas Xasan Sheekh Maxamuud kula sheekeysanay guri ku yaalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho oo fadhi u ahayd xisbigiisa maalmo ka hor bishii Sebtembar 2012.

Waxyaabihii uu noo qirtay waxaa ka mid ahaa kaalinta uu ku lahaa labo dhacdo oo la yaab lahaa: midda koowaad waa inuu baabuur ku daabuli jiray dhagxaan kooxihii maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga u adeegsanayeen inay gabbaab ka dhigtaan si ay ugu duulaan ciidamadii Itoobiyaanka ee taageerayey Dowladdii Ku-Meelgaarka ee Soomaaliya. Ciidankaasi ayaa degganaa agagaarka Guryaha Saraakiisha (Shiirkole Ofishaale) ee agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Tan labaad waxay tahay in Xasan uu si xishood la’aan ah noogu sheegay inuu kacdoonkii maleeshiyaadkii beelaha Hawiye ee ka dagaalamayey Muqdisho dhammaadkii 1991, kuwaasoo dagaal markiisii hore ku wajahnaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka bilaabay caasimadda, ka dibna u xuubsiibtay gumaadka shacabkii caasimadda degganaa oo heyb qabiil loo beegsaday.

Xasan-kII xalay 

Dhacdooyinkaasi oo aan Xasan afkiisa ka xaqiijiyay ma ahayn kuwo nagu cusub. Waxaase nagu cusub in xalay aan goobjoog u ahayn Xasan Sheekh Maxamuud oo is hilmaamay oo dadkii Dhuusamareeb ka wacdinaya qabyaalada iyo abaabul dagaal beeleed.

Muddadii sannadka ahayd ee Xasan Sheekh madaxweynaha ahaa waxaa guud ahaan dalka ka qarxay colaad beeleedyo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay. Laga soo bilaabo Shabeellaha Hoose, Hiiraan, Bakool, Laascaanood illaa gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu Xasan lag ahaantiisa kasoo jeedo ayay colaaddu ka billaabatay. Nasiib darro, colaadahan waxaa abaabulaya, hubka iyo rasaasta bixinaya isla xubnaha isaga ugu dhow reer ahaan iyo xisbi ahaan.

Gees-ka-gees, waxaa maanta Soomaaliya cirka ka maraya xasaasiyadda qabiilka iyo is-neceyb bulsho. Waxaa sii yaraanaya is-aaminaadda ay dadka isku deegaanka isku qabeen. Waxaa batay kala shakiga iyo ksla fogaanshaha oo markaad dib u fiiriso ay wacan tahay ficillada ay dadka ka dheehdeen mudane Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Dhanka kale, waxaan xalay aragnay mudane Xasan Sheekh oo is hilmaamay isagoo dadweynaha Dhuusamareeb ka waaninaya musuqmaasuq iyo xatooyo xoolaha ummadda. Weliba wuxuu kuwa musuqa sameeya ku sifeeyay ‘tuugo’ oo aysan magac kale mudneyn in loogu yeero!

Xasan-kaas waa kan 2012 illaa 2016 isaga iyo xaasaskiisa ay Muqdisho ka dhisteen daarihii ugu badnaa, dhulkii ugu badnaana ay qaarna iibsadeen, qaarna iyaga isku qoreen.

Xasan-kaasi waa kan maalmo dhoweyd xaasaskiisa ay dad danyar ah ka barakicinayeen dhul ku yaalla Xamar Weyne iyo Dharkenley.

Xasan-kaasi wacdinaya waa kan gabadhiisa, midda uu soddogga u yahay, wiilkiisa, walaalkiisa iyo xitaa oday dhaqameedkiisa ku safay xilal iyo qandaraasyo waaweyn oo malaayiin doollar ku kacaya.

Sow uma eka in Xasan Sheekh uu xalay is hilmaamay, oo uu mudan yahay in dib loo xusuusiyo nafsaddiisa?

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News