SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh” Qaranka ayaad ushaqeysaan ee uma shaqeysaan agaasime xilka laga qaaday”

|

MQUDISHO (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanya ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Taliyiha cusub ee Hay’adda ugu duceeyay in uu Allah lagarab galo shaqada culus ee loo dhiibay, iyo in sidoo kale uu kasoo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan Shaqada noo taala waa dagaalka Al-Shabaab oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka.

Ugudambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News