MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka dib ugu celiyay xilliyadii dagaal-oogayaasha iyo qabqablayaasha.
Xildhibaanka ayaa ka hadlay duulaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
“Xasan Sheekh, in maanta la yiraahdo USC iyo RRA ayaa dagaalamaya, adigaa dalka gaarsiiyay,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo la hadlay Kaab TV.
Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu si cad u muujiyay in uu la kulmayay handadaad, isla markaana uu garnaqsi u raadsaday arrintaas.

