MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib safar shaqo oo uu ku tagey dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa gudaha dalka Itoobiya wuxuu goobjoog ahaa munaasabada lagu daahfuray biyo xireenka webiga Nile.
Halkaasi Madaxweynaha wuxuu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo khilaafka Biyo xireenka iyo kaalinta ay Dowladda Soomaaliya ka qaadan karto xallintiisa.
Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ka qeyb galay shirkii labaad ee looga hadlay Isbadalka Cimilada ee ka qabsoomay magaalada Adis Ababa, halkaasi oo ay isugu yimaadeen Madax caalami ah iyo kuwo Afrikaan ah.

