SO | EN

SO | EN

Xasan Shiikh & Madax kale oo shacabka kula tukaday Masjidka Isbaheysiga

|

Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidda Carafo kula tukaday mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada soomaaliyeed Masjidka Isbahaysiga Islaamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, Wasiiro Xildhibaano iyo saraakiil ayaa ka mid ahaa masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada ciida

Xassan Shiikh oo salaada ka dib khudbad jeediyey ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Al-shabaab iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale Wuxuu wacad ku maray in xatooyo dambe aan la isaga hari doonin, isagoo farriin u diray odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta ka naba-dooniya dadka lagu soo qabto kiisaska xatooyada ah.

“Dowladda Soomaaliya ma ogolaan doonto in dhaqaalaha yar ee gabadha ama wiilka maskiinka ah laga soo qaaday guryo looga dhisto Turkiga iyo Nairobi, balan ilaahey waxaan ku qaaday marna inaan la ogolaaneyn taas,” ayuu yiri.

“War ka joog ha garabsiin, hana la soo safan nin tuug ah, tuug umad xaday hala safan, subax dhan gurigaaga ha uga soo lebisan sidaa u difaaci laheed nin tuug ah oo aad dhahdo maxaa loo xiraa?” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Ninkii Alle ka cabsan waaya sharaf malahan, wax uu mudan yahay ma jirto nin sameeyo xatooyo, xaaraam ayuu ku dhacay,” ayuu yiri Xasan. Sheekh.

“Maanta tuugnimada heer aan ku faano ayaan gaarnay, meel lacag lagu qaado ninka raadinaa waa tuug, nin umadda u shaqey raba maaha, hadaa dadkaan u shaqeyneyso iskuulka tag ee ilmaha wax bar,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News