SO | EN

SO | EN

Xasan Sheikh oo gaaray magaalada Adis Ababa ee Caasimadda ee dalka Itoobiya

|

Adis Ababa (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee Caasimadda ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegayaan Madaxweynaha ayaa kamid noqon doono Madax ka qeyb galeysa shirweynaha labaad ee looga hadlayo Isbadalka Cimilada ee Caalamka.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika.

madaxweynaha ayaa Sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya xallinta dhibaatada Isbadalka Cimilada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli Itoobiya ay daah fureyso biyo xireeenka Webiga Nile ee ay ka dhalin doonaan Korontada.

 

May be an image of 9 people and aircraftMay be an image of 5 people, dais and text

May be an image of 2 people and dais

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News