MUQDISHO (Kaab TV) –Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa maanta inuu gaaro magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Bulshada Deegaannada Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo sida qorshaha yahay 20 bishaan June ay ka dhaceyso Doorshada Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada.
Sidoo kale, u kuuragalida xaaladda deegaanka, isagoo xarriga ka jari doona Mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay magaalada Jowhar.

