SO | EN

SO | EN

Xassan sheikh & wafdi uu horkacayo oo ku wajahan magaalada Addis ababa

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uuna ka qayb-geli doonaa shirka 2-aad ee cimilada Afrika oo halkaas ka dhacaya 8-10 bishan Septembar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ku qabsoomaya.

Sidoo kala madaxweynaha ayaa hadal ka jeedin doono shirweynaha, isagoo diirada saari doona warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, wuxuu sidoo kale madaxweynaha uu la yeelan doonaa kulami gaar gaar ah madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada ee ka qeyb galaya shirka.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xilli RW Itoobiya uu qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb galo furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag ay uga soo horjeedo dowladda Masar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News