MUQDISHO (Kaab TV) – Jawaahir Ibraahim Iimaan waa hooyo kali ku ah daryeelka 7 carruur ah oo ay dhashay oo ku nool xeryaha barakaca.
Laba bilood ka hor ayay ka barakacday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dagaallo culus ay ku dhex mareen kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.
Holaca iyo daryanka hubka culus ee labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa dhagaha Jawaahir ka qaaday rajo kasta oo ku noolaansho ah deegaankii ay daganeyd. Iyadoo carruurteeda gacanta ku sidata, ayay rasaas iyo cabsi uga soo carartay, una soo hoyatay nolol cusub oo weli mugdi ku jirta.
“Dhibaato, rafaad iyo qarax ayaa nasoo barakiciyay,” ayey tiri Jawaahir iyada oo fadhida illinka buulkeeda yar ee ku dhex yaalla xeradan barakaca xilli ay qorraxdu kulushahay, wajigeedana laga dareemi karo kuleylka daran ee jira.
Safar maalmo badan ah ka dib, Jawaahir waxay ku soo hoyatay kaamka Barxad-weyn ee degmada Kaxda, magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee, nolosha cusub ma aysan soo dhaweyn; waxaa hor taagan caqabado badan oo ay ugu horreeyaan biyo la’aan, hoy la’aan, caafimaad la’aan iyo cunto yari.
“Marmar ayaa xerada dhexdeeda cunto lagu kariyo qaando qaando naloo qeybiyaa,” ayey tiri Jawaahir.
Jawaahir ayaa ii sheegtay in dhibka ugu weyn uu yahay helitaanka biyo nadiif ah, maadaama biyaha yar ee kaamka la keeno lacag lagu iibiyo, taas oo aysan awoodin.
“Labadii jerigaan oo biyo ah waa saddex kun shilin [USD 0.15]. Haddaad lacag heysan biyo ma heleysid,” ayey tiri.

Horjoogayaasha xerada, oo loo yaqaano kuwa albaabka ilaaliya [gatekeepers] ma ahan oo kaliya inay dadkaan ka rabaan kiro dhulka ay deggan yihiin, ee waxay sidoo kale la qeybsadaan qeyb ahaan gargaarka la siiyo.
Faadumo Cabduqaadir waa haweeney carmal leh 6 carruur ah, mana heysato wax caawimaad ah oo ka yimaada aabahood. Waxay kasoo carartay Sabiid iyo Caanoole oo ah duleedka Afgooye, halkaas oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen bil ka hor.
Markii Kaab TV uu booqday xeradan, Faadumo iyo haween kale ayaa ku mashquulsanaa dhisidda buul yar oo ay ku hoydaan iyada iyo carruurteeda dhowaan soo galay xeradan.
“Afar maalin ayaan joogaa xeradan. Waxaan ka soo cararnay dagaal iyo gaajo. Xaggeen ka keenaa waxbarasho. Tabartay waa tabar naag, kharash ma haayo,” ayey tiri Faadumo oo sheegtay in dhammaan carrteeda iyo iyada ay ku wada hoydaan buul yar, isla markaana aysan jirin waxbarasho ay carruurteeda aadaan.
Colaad iyo abaar
Sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin isbiirsaday oo sababay barakac baahsan.
Colaadaha sokeeye, abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha iyo amni darrida ayaa sababay in boqolaal kun oo qof ay ka cararaan guryahoodii, kuna hoydaan xeryo aan lahayn adeegyo aasaasi ah.

Xogta hay’adaha samafalka ayaa muujinaysa in guud ahaan gudaha dalka Soomaaliya ay ku barakaceen in ka badan 3.3 milyan oo qof.
Xeryaha ay dadkan ku nool yihiin waa ciriir, mana ahan ammaan oo waxaa xitaa dhacda iyo rag hubeysan ay habeenkii u soo dhacaan haweenka barakaca, gaar ahaan kuwa aanan rag la joogin.
Caa’isha Aadam Maxamed oo ah hooyo haysata saddex carruur ah, oo labo ka mid ah ay yihiin agoon, ayaa noo sheegtay inay ka soo qaxday tuulo u dhow degmada Bariire ee Shabeellaha Dhexe halkaas oo dhowaan ciidamada Midowga Afrika oo taageeraya kuwa dowladda ay kula dagaalameen Al-Shabaab.
“Tuulada aan degganahay waxay ku so garaaceen hoobiyaal. Aniga iyo carruurteyda waan soo lugeynay, ka dibna baabuur ayaan kasoo raacnay meel u dhow Afgooye,” ayay tiri Caa’isha.
Caa’iisha waxay la nooshahay aabeheed oo gaari gacan subixii u qaata magaalada si uu ugu soo xoogsado, ka dibna waxa yar ee uu soo xoogsado ayuu raashiin u soo siiyaa reerka, hase ahaatee marka uu soo waayo, waxay Caa’isha sheegtay in carruurta ay iska hurdaan markay ooyaan oo ay waayaan wax ay cunaan.
Hoos u Dhaca Gargaarka Bani’aadantinimo
Hay’adda Qaxootiga ee Norway (NRC) ayaa dhawaan sheegtay in hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadantinimo uu sababay in in ka badan 300,000 oo Soomaali ah laga jaro sahayda cunto iyo biyo nadiif ah.
Arrintani waxay sare u qaaday cudurro laga hortagi karo.
“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay saameynta isbiirsatay ee colaadaha sii daba dheeraaday, dhibaatada isbeddelka cimillada, iyo hoos u dhaca degdegga ah ee taageerada caalamiga ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ah madaxa hay’adda NRC ee Soomaaliya. “Maalin kasta waxaan aragnaa qiimaha ay dadka ugu kacayso wax ka qabasho la’aanta, iyadoo ay ka muuqato carruurta aan awoodin inay socdaan tabar darri darteed, jeerigaanada maran, iyo dhimasho laga hortagi karo oo ka dhalata cudurrada biyaha ka dhasha. Tani waa musiibo bini’aadan sameeyey oo weli la joojin karo.”
Qaramada Midoobay ayaa sanadkan horraantiisii codsatay gargaar dhan 1.42 bilyan doolar si loogu caawiyo 4.6 milyan oo Soomaali ah, balse illaa hadda waxaa la helay oo keliya 17%. Taas ayaa sababtay in hay’adaha gargaarka ay joojiyaan adeegyo badan, iyadoo malaayiin qof loo daayay xaalad aan taageero lahayn.

