Xiisad amni oo ka dhex aloosan Puntland iyo Dowladda Federaalka

|

GAROOWE (Kaab TV) — Waxaa cirka isku shareeray xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib hadallo is dhaafsi ah iyo warar sheegaya abaabul ciidan oo la xiriira labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab”, ayaa sheegay in Puntland ay difaacanayso dhulkeeda, isaga oo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan horey uga imaan wax ka badan dhibaatooyin.

Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Garoowe, isagoo ugu baaqay shacabka inay diyaar u ahaadaan difaaca deegaanadooda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar tilmaamaya in dowladda federaalka ay wado abaabul ciidan iyo maleeshiyaad la doonayo in lagu kiciyo qalalaase gudaha Puntland.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo ka mid ah gobolka Mudug iyo agagaarka Garoowe.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa habeenkii Axadda si adag u dhaliilay hoggaanka Puntland, isaga oo sheegay in maamulkaasi uusan ku imaan doorasho sharci ah, isla markaana uu wado qorshe gooni u goosad ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga hortago tallaabooyinka uu ku eedeeyay maamulka Puntland.

Hadalladan is dhaafsan iyo wararka ku saabsan abaabulka ciidan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo suurtagalnimada iska hor imaad, iyadoo falanqeeyayaal ay tilmaamayaan in xaaladdu u egyahay mid la mid ah dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Baydhabo, halkaas oo ciidamo iyo maleeshiyaad ka yimid Muqdisho ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News