SO | EN

SO | EN

Xiisad culus oo ka taagan gudaha degmada Deyniile iyo dagaal ka dhacay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Warashadda Birta oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, halkaas oo maalmo kahor laga barakiciyay dad shacab ah.

Sidoo kale, dagaalka ayaa ahaa mid culus oo leysku adeegsaday hubka culus kaas oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa halkaas, isla markaana waday howlo burburin ah.

 

Qaar kamid ah deegaanka ah ayaa inoo sheegay in maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac, kaddib iska hor imaad halkaasi ka dhacay.

Ilaa iyo hadda majiro war rasmi ah oo kasoo baxay dagaalkaas, lamana ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, udhexeeyay maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ee bur burinta ka waday Warshadda Birta ee degmada Deyniile.

Xasarad culus ayaa wali kataagan halkaasi, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

Shalay waxaa xarunta la weeraray booqday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaas oo metala shacabka laga saaray dhulkaasi, waxayna cambaareyn xooggan ujeediyeen madaxda dowladda.

Sikastaba, muddooyinkii dambe waxaa Muqdisho ka taagnaa xiisado culus oo ka dhashay murannada dhulka, iyada oo shacabkii ugu badnaa laga saaray xurumaha kala duwan ee dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News