SO | EN

SO | EN

Xiisad dagaal oo ka taagan Beledxaawo ka dib dagaalkii shalay dhexmaray Jubaland iyo Cabdirashiid Janan oo ay taageereyso Dowladda Federaalka

|

DOOLOW (Kaab TV) – Xiisad colaadeed ayaa ka taagan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo halkaas oo shalay markale uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Cabdirashiid Janan oo ay taageereyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu yaraan lix ruux oo ay ku jiraan labo sarkaal oo kala hoggaamineysay dhinacyada dagaallamay ayaa ku dhintay, siday xaqiijiyeen mas’uuliyiin deegaanka ku sugan iyo ilo wareedyo ka madax-bannaan dhinacyada dagaallamay.

Tirada dhaawacyada ayaan la hubin inta ay gaarsiisan tahay.

Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dagaalka shalay uu ahaa weerar lagu soo qaaday ciidanka Jubaland oo maalmahan ku sugnaa tuulada xuduudka ku taalla ee Aamin.

“Dagaalka waxaa lagu soo qaaday ciidankeenna oo fadhigiisa jooga. Waxaana ka masuul ah dowladda federaalka oo weerarka soo qaaday,” ayuu sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dagaalka shalay uu ahaa weerar lagu soo qaaday ciidanka Jubaland.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dagaalka shalay uu ahaa weerar lagu soo qaaday ciidanka Jubaland.

Ciidamada Jubaland ayaa Beledxaawo isaga baxay tan iyo markii ay degmada qabsadeen ciidanka uu hoggaaminaayo Cabdirashiid Janan oo ah Taliyaha Nabadsugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ay u magacawday dhowaan gobolka Gedo.

Col. Xuseen Giif oo ahaa Taliyaha booliska Jubbaland ee gobolka Gedo iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Jubaland Farxaan Odowaa ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ka dib markii loo qaaday isbitaal ku yaalla degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in labo sarkaal oo kala ah: Labo Xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Maxamed Gooni ay ku dhinteen dagaalka.

Dowladda Federaalka waxay dagaalka ku eedeysay maamulka Jubaland.

“Ciidamada qaranka ayaa si geesinomo leh isaga caabiyay weerarka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, Cabdirashiid Janan oo hogaaminaya ciidamada dhanka dowladda federaalka ee dagaalka ku jira ayaa hanjabaad u jeediyay dowladda Kenya, isagoo ka dalbaday in gaadiid uu sheegay inay leeyihiin ciidamada Jubaland oo dhanka Kenya u gudbay dib loogu soo celiyo oo lagu soo wareejiyo dhanka ciidamadiisa.

“Hay’adaha amaanka Kenya waxaan ka rabnaa inay nagu soo wareejiyaan gaadiidka ku buufsan calaamadda Soomaaliya ee xuduudda ka gudbay ee dhanka Kenya jira,” ayuu yiri Janan oo horey loogu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Cabdirashiid Janan oo hogaaminaya ciidamada dhanka dowladda federaalka ee dagaalka ku jira ayaa hanjabaad u jeediyay dowladda Kenya.
Cabdirashiid Janan oo hogaaminaya ciidamada dhanka dowladda federaalka ee dagaalka ku jira ayaa hanjabaad u jeediyay dowladda Kenya.

Ma cadda sida Kenya ka yeeli doonto hanjabaaddan, iyo xiisaddan dagaal ee dhowrka toddobaad ka taagan soohdinteeda ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo halis ku ah amniga deegaanada xuduudda ee Kenya.

Xaaladda oo kacsan

Badi dadweynihii ku noolaa Beledxaawo oo ah magaalo xuduudda ku taalla ayaa isaga qaxay magaalada, iyagoo u kala qaxay deegaanada xuduudda Itoobiya iyo Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in hadda labada dhinac ay wadaan hub urursi iyo ciidamo gurmad ah oo u kala imaanaya, lagana yaabo in markale ay dagaallamaan.

Dagaalkan ayaa bilawday bishii hore bartankeeda kadib markii Dowladda Federaalka ay ciidamo ka soo daabushay Muqdisho ay geysay Beledxaawo ayna kala wareegeen maamulka degmada ee hoostagi jiray Jubaland.

Colaaddan ka taagan Beledxaawo ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay saameyso degmooyinka kale ee gobolka, iyadoo ay horey u jirtay xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata oo ay wajahayaan kumanaan dadweyne barakacayaal ay ku jiraan oo ku nool deegaannada kala duwan ee Gedo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News