Xiisad ayaa ka taagan xaafadda Buulo-Elay ee degmada Waaberi, kaddib markii ay halkaasi ka bilowdeen bannaanbaxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka cabanaya qorshe la sheegay in lagu burburinayo guryahooda.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Buulo-Elay ee degmada Waaberi ,dadka bannaanbaxaya ayaa ka hor yimid amar lagu sheegay in dadka xaafadda laga raro, iyadoo loo sheegay in guryaha la burburin doono muddo kooban gudaheed. Arrintan ayaa dhalisay cabsi iyo caro xooggan oo ka dhex taagan dadka deegaanka.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo ka tirsan Haramcad ay goobta ku sugnaayeen, isla markaana uu dhacay iska horimaad sababay dhaawac soo gaaray haweeney ka mid ahayd dadka bannaanbaxayay. Sida lagu sheegay xogta la soo gudbiyay, haweeneyda dhaawacantay ayaa goobta laga qaaday si loo siiyo daryeel caafimaad.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay KAAB TV ayaa sheegay in guryaha ay ku nool yihiin ay yihiin kuwo ay qoysaskoodu muddo dheer lahaayeen, isla markaana ay ka dhaxleen waalidiintood iyo awoowayaashood. Waxay dowladda ka dalbanayaan in la joojiyo burburinta, lana helo xal sharci ah oo arrinta lagu dhammeeyo.
Ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo sababta guryaha loo burburinayo, cidda bixisay amarka.
Arrintan waxay dib u soo nooleyn kartaa walaaca bulshada Muqdisho ka qabto burburinta guryaha iyo barakicinta dadka rayidka ah, gaar ahaan marka dadka deegaanka ay sheeganayaan inay haystaan lahaansho ama dhaxal ku saabsan dhulka iyo guryaha.

