SO | EN

SO | EN

Xiisad ka Taagan Magaalada Garoowe

|

Garoowe (Kaab TV) – Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa laga soo sheegaya in Xiisad ay ka Taagan tahay  ka dib markii dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka bilaabantay Halkaas.

Ciidamada Madaxtoyada iyo PMPf ayaa xalay Saqdii dhexe bilaabay in ay xiraan wadooyinka Muhiimka ee magalada sida wadada Madaxtooyada , Wasaaradaha ,laamiga Wadnaha iyo Nawaaxyiga xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, intaas ka dib Ciidanka Danab bee Puntlaand  ayaa magaalada Garowe  gudaha u soo galay oo degay  goobo kala duwan oo ka tirsaan Magaalada Garowe.

Hase ‘ahaatee ‘ Xiisadan ka Taagan Magaalada Garowe ayaa imaaneysa xilli uu furmay Kalfadhiga 52aad ee baarlamaanka Puntland Taas oo laga filan karo in xildhibaanada Golaha Wakiiladaa Puntland ay bilaabaan Dood la xiriirta wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka Puntland lagana soo hormariyo waqtigii laa filayay .

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka deegaanka ayaa isaga barakacay aagga xarunta Baarlamaanka, maadaama ay xoogeysatay cabsida laga qabo in dagaal uu dhaco.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News