Muqdisho (KAAB TV) -Wararka naga soo gaaraya xaafadda Radeelka ee degmada Dayniile ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xaalad kacsan oo ay dadka deegaanka si weyn uga fajaceen, kadib markii lagu dhaqaaqay tallaabooyin adag oo la xiriira arrimo la sheegay inay yihiin canshuur-ururin qasab ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay warbaahinta in dad badan laga saaray albaabada guryahooda, kaddib markii ay ku guuldareysteen inay bixiyaan lacagaha canshuuraha laga doonayay. Sida la sheegayo, arrintan ayaa si lama filaan ah uga bilaabatay xaafado ka tirsan Radeelka, iyadoo aan la helin wax wargelin rasmi ah oo ka yimid maamulka deegaanka ama dowladda hoose ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi iyo walaac, maadaama tallaabooyinkaasi u muuqdaan kuwo lagu xadgudbayo xuquuqdooda muwaadinimo. Waxay sidoo kale dalbadeen in la joojiyo wax kasta oo ah “canshuur lagu ururiyo qaab qasab ah” oo aan loo marin hannaan sharciyaysan.
Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay maamulka degmada iyo dowladda hoose ee gobolka Banaadir inay si deg-deg ah u caddeeyaan arrintan, isla markaana ay joojiyaan ficillada laga yaabo inay horseedaan qalalaase iyo xasilooni darro.

