Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaaladaasi, waxayna kasoo horjeedeen dilkii loo geystay marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal dibadxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama sidookale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.
Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada.
Hasayeeshee Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is biirsaday, sida colaadda Laascaanood iyo muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi.