SO | EN

SO | EN

Xiisada udhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha oo cirka isku shareertay

|

Washington (Kaab TV) – Saraakiisha difaaca hawada Mareykanka ayaa sheegay in sara ukac uu kuyimid daadaansi ay sheegen in uu kaga imaanayo dhanka maraakibta dagaalka Shiinaha kaasi oo laga dareemayo marin biyoodka Koonfurta Shiinaha.

Saraakiil Mareykan ah oo magacooda qariyay ayaa sheegay in talaabooyinkani ay abuuri karaan dagaalo aan lagu tala galin.

Asbuuci lasoo dhaafay waxaa si aad ah isugu soo dhawaaday diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Shiinaha.

Talaadadii Mareykanka ayaa baahiyay muuqaal uu ugu yeeray “dhaqdhaqaaq gardaro kaas oo uu sameeyay duuliye udhashay dalka Shiinaha taasi oo lagu sameeyay diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Mareykanka, 26 ka bishii May” ayuu yiri Afhayeenka Taliska ciidanka Mareykanka ee Indo-Pacific.

Dhanka kale Shiinaha ayaa isna dhankiisa Afhayeen uhadashay Wasaarada arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa Arbacdii sheegtay in uu Mareykanku masuul kayahy dhacdadaasi, Iyadoo sheegtay in diyaarada uu leeyahay Shiinaha ay kusocotay xawaare aad u hooseeyo taas oo halis ween ku ah madaxbanaanida Qaranka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegtay in Mareykanku gabi ahaanba uu joojiyo duulimaadyadda noocas camal ah oo keeni kara halis amni.

Maxkamada Hegue ayaa horey u sheegtay in Shiinaha uusan laheyn tixraac taariiqeed oo cadeynaya in uu leeyahay badda koonfurta Shiinaha, balse Shiinaha ayaa iska indho tiray go’aankaas kasoo baxay maxkamada Hegue.

Shiinaha ayaa sheegta dhamaan biyahaas, halka dalalka Brunei, Malaysia, Philippines, Taiwan iyo Vietnam ay sidoo kale sheegtaan jaziirado ku yaalla gudaha biyaha koonfureed ee Shiinaha.

Maraykanka ayaa si joogto ah, wuxuu hawlgallo ka sameeyaa, gudaha iyo hawada biyadda badda Koonfurta Shiinaha, si uu ugu hortago sheegashada Shiinaha, iyo in uu dalalka kale uu ku dhiiri galiyo in ay si xor ah uga gudbaan ayagoo maraya biyaha caalamiga ah, iyadoo badeecadaha ugu badan dunida ay sitoos ah umaraan badecadahaas ayaa lagu qiyaasay dhawr trillion oo dollar, sannad walba.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News