SO | EN

SO | EN

Xiisadda Jubbaland: Dowladda Federaalka oo hakisay duulimaadyada Kismaayo iyo Doolow

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Hakisay Duulimaadyada Kismaayo iyo Doolow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in la hakiyay dhammaan duulimaadyada u kala socda Kismaayo iyo Doolow, kadib markii dagaallo qaraar ay shalay ka dhaceen Doolow iyo Kulbiyow oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa federaalka ee ka yimid Muqdisho.

Duulimaadyada maxalliga ah ayaa la joojiyay subaxnimadii hore ee maanta, iyadoo sidoo kale dowladda federaalka ganaax ku soo rogtay shirkadda diyaaradaha Halla Airlines oo lagu eedeeyay inay ciidamo Jubbaland ah ka daadgureysay Kismaayo una geysay Doolow Isniintii.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda federaalka ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), inuu shirkadda diyaaradaha ku qasbay inay ciidankiisa u daabulo.

Dhinaca kale, Jubbaland ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu hurinayo colaadda Jubbaland, iyagoo sheegay in “mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dagaalka Jubbaland uu isaga qaadi doono.”

Go’aanka lagu hakiyay duulimaadyada ayaa saameyn weyn ku yeeshay rakaabka u kala gooshayay Jubbaland iyo Muqdisho, iyadoo boqolaal qof lagu soo waramayo inay ku xaniban yihiin Muqdisho, Doolow, iyo Kismaayo. Illaa hadda lama oga goorta la qaadi doono hakinta duulimaadyada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News