Muqdisho (KAAB TV) – kulankii xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa hareeyay buuq, kaddib markii uu guddoomiye Aadan Madoobe uu soo jeediyay ajando ay si weyn uga caroodeen xildhibaannada qaar.
Sidoo kale, Aadan Madoobe oo maanta kulanka golaha furay, ayaa sheegay in ajandaha kulanka uu yahay in xildhibaannada u codeeyaan in kursiga xildhibaannimo uu waayay xildhibaan Maxamed Abiib oo horey guddoonka uga qaadeen xasaanadda.
Dhanka kale, qaar kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka , ayaa si cad uga horyimid in loo codeeyo in xildhibaan Abiib laga saaro Baarlamaanka, waxa ayna xildhibaanadan is hortaag ku sameeyeen in uu kulanka socdo, iyaga oo jabiyay makarafoonkii golaha.