SO | EN

SO | EN

Xil. Xiddig: Aadan Madoobe waa Damiin siyaasadeed, oo sandareerto yar ka qaata Villa Somalia

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaano ka tirsan mucaaradka ayaa shir jaraa’id ku qabtay habeenkii xalay, iyaga oo ballanqaaday in ay xilka ka tuuri doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe, oo haatan wajahaya mooshin xil ka qaadis ah.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa si adag u weeraray guddoomiyaha, isagoo ku tilmaamay “damiin soyaasadeed” oo qaata sandareerto yar oo ka timaada Villa Somalia.

Wxuu kaloo ku tilmaamay “doqonnimo iyo jaahilnimo”.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Aadan Madoobe inuu ku kacay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo takoorka, isagoo aflagaado u geystay xildhibaano naafonimo la nool.

Xildhibaan Xiddig ayaa sidoo kale weerar ku qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in madaxweynuhu uusan u qalmin xilka uu hayo, isla markaana caafimaadkiisa dhimirka ah la baaro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News