NAIROBI (Kaab TV) – Xildhibaan dalka Lesotho ayaa wajahaya dacwado dambiyeed, kaddib markii uu ku eedeeyay boqorka dalka iyo dowladaba in ay xukunka dalka u saxiixay dalka deriska la ah ee Koonfur Afrika.
Dr Tshepo Lipholo ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu “xadgudub ku sameeyay sharafta iyo karaamada qoyska boqortooyada” isagoo ku dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka aan bad lahayn ee Lesotho.
Wararka ayaa sheegaya in uu Isniintii kasoo muuqday maxkamadda si uu u codsado dammaanad, balse arrintaas dib ayaa loo dhigay ilaa waqti dambe bishan.
Xildhibaankan mucaaradka ah ayaa horay ugu baaqay in qaar kamid ah dhulka Koonfur Afrika loo aqoonsado “dhul Lesotho leedahay” isla markaana loo celiyo gacanta Lesotho.
Meelaha uu sheeganayo waxaa kamid ah gobolka Free State, oo ah mid kamid ah saddexda gobol ee Koonfur Afrika ee xuduud la leh Lesotho.
Dr Lipholo wuxuu sidoo kale sheeganayaa qaybo kamid ah gobollada Northern Cape, Mpumalanga, Eastern Cape, iyo KwaZulu-Natal.
Dadka Lesotho, oo loo yaqaan Basotho, ayaa ku noolaa dhulalkaas ilaa qarnigii 19aad, markii ay Afrikaner-ku (dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika) xoog ku qabsadeen.
Dad badan oo Basotho ah ayaa weli ku nool halkaas, gaar ahaan gobolka Free State.
Dacwadda
Dacwadda maxkamadeed ee ay dowladda ku oogtay xildhibaanka ku eedeysay in uu isticmaalay “ereyo kacdoon hurinaya” iyo “kicinta rabshado shacabka ah” isagoo sheegay in Boqor Letsie III iyo dowladda ay “saxeexeen heshiis Lesotho uga dhigaya gobolka tobnaad ee Koonfur Afrika”.
Hadalladan ayaa la sheegay in uu ka jeediyay baraha bulshada iyo wareysiyo raadiye u dhexeeyay Abriil iyo Juun 2025, sida ay dowladda sheegtay.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu isku magacaabay madaxa sare ee Basutoland — magacii gumeysigii hore u bixiyay Lesotho — iyadoo uu weli jiro boqorka dalka.
Sarkaal milateri oo howlgab ah, Major General Samuel Makoro, ayaa isna Jimcihii la xiray isagoo lagu eedeeyay in uu taageeray Mr Lipholo isla markaana uu siiyay xog xasaasi ah.
Dr Lipholo waa hoggaamiyaha xisbiga Basotho Covenant Movement (BCM) oo haysta hal kursi oo kaliya baarlamaanka Lesotho.
Mooshinkiisa, oo horey looga dooday
Mooshinkiisa, oo horey looga dooday baarlamaanka Lesotho, wuxuu salka ku hayaa qaraar Qaramada Midoobay kasoo baxay 1962, kaasoo aqoonsaday xuquuqda dadweynaha Basutoland ay u leeyihiin is-maamul iyo madaxbannaani.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Koonfur Afrika waxay aaminsan yihiin in mooshinkaasi uusan wax fursad ah ku lahayn hirgelintiisa, maadaama uusan taageero ka helin inta badan shacabka Lesotho.
Mid kamid ah caqabadaha waaweyn ayaa ah Bayaankii Qaahira ee 1964 ee Ururka Midnimada Afrika (hadda loo yaqaan Midowga Afrika), kaasoo madaxda Afrika ay ku heshiiyeen in la ixtiraamo xuduudihii gumeysiga ka tagay si looga hortago colaado cusub oo Qaaradda ka dhex dhaca.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa sanadkan horay baarlamaanka uga jawaabtay su’aal la xiriirta arrintan, iyadoo dib u xaqiijisay mowqifkaas.
Dr Lipholo ayaa horay u sheegay warbaahinta Lesotho in uu rajeynayo in mooshinkaasi laga hor akhriyo baarlamaanka Britain, maadaama ay ahayd Boqortooyada Ingiriiska oo siiyey Lesotho madaxbannaanidiisa sanadkii 1966, iyada oo aan wax ka beddelin xuduudihii uu gumeysiga Afrikaner-ku boobay.
Wararka ayaa sheegaya in qareennadiisa la siiyay illaa 25-ka Luulyo 2025 si ay u difaacaan codsiga dammaanadda. Dr Lipholo wali wuxuu ku jiraa xabsi boolis.
AKHRI: Ramaphosa ayaa shaqada ka ceyriyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu

