MUQDISHO (KAAB TV) – Xildhibaan hore oo ka tirsanaa barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meydkiisa laga heley hotel ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka booliska Sidiiq Doodishe ayaa sheegay in xildhibaan Axmed Aadan uu ku geeriyooday hotel ku yaalla degmada Xamarweyne, uuna geeriyooday ka dib markii booliska lagu soo wargeliyey.
Xildhibaanka hore Axmed Aadan ayaa la sheegayaa in qof la joogay lasoo xiray.
Afhayeenka booliska ayaa xaqiijiyay in hal qof ay soo xireen booliska.
Ma cadda sababta keentay geerida xildhibaanka hore oo aan hadda heyn wax xil ah.
Hase ahaatee geeridiisa waa tii labaad muddo toddobaad gudihiisa ah oo loo geysto qof ka soo jeeda Somaliland.
Axaddii lasoo dhaafay ayaa waxaa meydkiisa laga heley gurigii uu ka degganaa degmada Wadajir Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa agaasime waaxeed ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya.