Xildhibaan Ingiriis ah oo madax looga dhigay machad ka shaqaynaya aqoonsi raadinta Somaliland

|

Hargeysa(Kaab TV)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada Hargeysa ka daahfuray machad cusub oo loogu magac daray “Machadka Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland”, kaas oo la sheegay in uu xoogga saari doono dardar-galinta ololaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo u gudbinta qadiyaddeeda caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in machadkan ay hoggaankiisa qaban doonaan shakhsiyaad saaxiibo dhow la ah Somaliland, isaga oo tilmaamay in guddoomiyaha machadka loo magacaabay, xildhibaan Sir William Gavinson, oo kasoo jeeda Ingiriiska, halka ay ku wehelin doonaan xubno kale oo aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo taageerayaal caalami ah isugu jira.

“Machadka waxa guddoomiye ka noqonaya saaxiibka Somaliland Sir William Gavinson, waxa ku wehelinaya saaxiibo badan oo Somaliland leedahay, waxaana diyaar u ah in ka badan 2000 oo saaxiibada Somaliland ah,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu sheegay in machadkani uu ururin doono taariikhda Somaliland, doodaha sharciyeed ee ay ku doonayso aqoonsiga, iyo marxaladihii kala duwanaa ee halganka gooni isu taageeda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in machadka si rasmi ah looga diiwaangeliyay dalka Ingiriiska, si uu ugu hawlgalo heer caalami ah.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in xubnaha machadka ay u badan yihiin macallimiin jaamacadeed, khuburo, xildhibaanno iyo aqoonyahanno ku xeel dheer cilmiga siyaasadda iyo sharciga caalamiga ah, kuwaas oo ka shaqayn doona sidii bulshada caalamka loogu qancin lahaa qadiyadda Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in xubnaha machadka ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa himilada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, isaga oo machadku noqon doona xarun mideysa doodaha iyo dadaallada aqoonsi raadinta.

Dhankiisa, madaxa machadka ayaa sheegay in Somaliland ay tusaale u tahay dimuqraadiyadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isaga oo ku tilmaamay “iftiin ka baxaya qaaradda Afrika”. Waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay mar kasta isku daydo sidii ay u carqaladayn lahayd horumarka Somaliland, balse waxa uu sheegay ay waxkasta u samayn doonaan sidii Somaliland u guulaysan lahayd.

Waxa uu ugu dambayn bulshada caalamka ugu baaqay in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, isaga oo sheegay in Israa’iil ay tahay tusaale mudan in lagu daydo oo wadada ay qaaday laga daba qaado.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News