MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa galabnimadii Sabtida loola cararay magaalada Nairobi ka dib markii xaalkiisa uu kasoo daray.
Xildhibaanka ayaa beryahaan ku jiray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ka dib markii xannuun kedis ah uu ku soo booday.
Warar ayaa sheegaya in xildhibaanka la sumeeyay, isla markaana dhakhaatiirta isbitaalka Digfeer ay ku wargaliyeen qoyskiisa inaan dalka waxba looga qaban karin.
Diyaarad ambalaas ah oo laga soo kireeyay magaalada Nairobi ayaa maqribkii ka qaaday garoonka Muqdisho, waxaana caawa [Sabti] la geeyay magaalada Nairobi.
Xaalka xildhibaanka
Ilo wareedyo dhanka isbitaalka ayaa sheegaya in xildhibaanka jirkiisa laga heley maado sun ah, waxaana xannuunkiisa lagu sheegay dhanka caloosha.
Dhakhaatiirta isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in qalab ay wax kaga qabtaan xaaladda xildhibaanka aysan heysan, waxayna kula taliyeen ehelka xildhibaanka inay dibadda u qaataan.
Ma jirto illaa hadda cid rasmi ahaan uga hadashay xaaladda xildhibaanka.
Xildhibaan Jacfar ayaa hore u soo noqday guddoomiyihii degmada Dayniile, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta hubeysan ee awoodda ku leh Muqdisho.
Wuxuu dhowaanahan ka tirsanaa koox xildhibaano oo aad ugu dhow madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo hadda ah siyaasi mucaarad ku ah maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.