SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Jeesow: Dastuurka cutub cusub oo bannaanka lagu soo qoray ayaa ku jira

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dastuurka dalka ku soo darsaday cutub cusub oo bannaanka lagu soo ditaariyay.

Xildhibaan Jeesow oo wareysi gaar ah siiyay Kaab TV ayaa sheegay in shaqada baarlamaanka aysan ku jirin bedelidda dastuurka, maadaama Dastuurka KMG uu yahay axdi lagu ansixiyay ergo ka kooban dhammaan dowlad gobolleedyada dalka.

“Anaga shaqadeena ma ahan inaan dastuur bedelno. Afarta cutub waxaa ku jira cutub bannaanka lagu soo qortay,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Horey waxaa u jirtay eedeymo sheegaya in qodobada laga bedelay dastuurka uu intooda badan soo qortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho, oo ay ku jiraan madaxdii hore ayaa diiday bedelidda dastuurka, iyaga oo ku tilmaamay sharci darro.

Xildhibanka wuxuu ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka kala qeybiyay, isla markaana uu horey u sheegay inuu ka maarmay dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

“Jubbaland iyo Puntland waxba kama maqna. Madaxweyne Xasan Sheekh isagaa dhahay labadaas maamul idinma rabo,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News