SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Jeesow iyo ciidanka deegaanka Gaaljecel oo hawlgallo ka wada 3 gobol

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo hoggaaminaya saraakiisha ciidamada deegaanka ee Gaaljecel ayaa kormeer ku maraya deegaanada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ciidamada deegaanka ay ku guuleysteen inay xaqiijiyaan amnigooda.

Xildhibaanka iyo saraakiisha ciidamada ayaa kulamo ka qaadanaya dadka deegaanka, sida xoola dhaqatada, beeraleyda iyo ganacsatada kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan xaqiijinta amniga deegaanka, isku tashiga dadka deegaanka iyo ka hortagga weerarada argagixisada.

Hawlgalkan saddexda gobol ka socda ayaa ujeedkiisu yahay xaqiijinta ammaanka deegaanka, isku tashiga dadka deegaanka iyo ka hortagga kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku haya dadka ku dhaqan deegaanada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

“Waxaan ku guuleysannay inaan dhammaan deegaanada isku xira saddexda gobol la isu furo. Laga soo bilaabo Jowhar illaa Beledweyne illaa Yaaq-Biri Weyne maanta waa xor,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo hoggaaminaya ciidamada deegaanka saddexda gobol.

Ciidamada deegaanka oo hawlgalladan waday tan iyo bishii lasoo dhaafay ayaa ku guuleystay in deegaanno aad u ballaaran laga sifeeyo Al-Shabaab ka dib dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay.

Xildhibaanada Gaaljecel iyo ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay sidoo kale ka shaqeynayaan sidii dadka shacabka ah ay u heli lahaayeen adeegyada aas-aasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsiga oo dib uga billaabanaya deegaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo hoggaaminaya ciidamada deegaanka saddexda gobol.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News