SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Jeesow oo sheegay maamul xumada ka jirta golaha shacabka

|

Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku dhexyaac badan uu ka jiro golaha shacabka, isagoo tusaale ka dhigay in guddoonka maanta yeerinayey xildhibaanada maqan uusan sheegin xubno ka maqnaa golaha.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in hadda kadib ey jirto xisaab adag oo guddoonku cadeeyo xildhibaan kasta waxa uu ku maqan yahay, “Waxaa miiska saaran dood masiiri ah oo dastuurka wax looga bedelayo, marka kooram hadaan soo buuxi weyno ma waxaan bedeli karnaa dastuur?” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa guddoonka ku dhaliilay isku dhexyaaca uu sheegay inuu ka jiro golaha,“Fadhigii maanta wuxuu nooga baaqday kooram la’aan, waxaana suurta gal ah in guddoonku uu fasaxay xildhibaano badan,Markii la yeeriyey magacyada xildhibaanada maqan, waxaa laga tegay xubno badan oo aan aqoon golahana ka maqnaa, marka waxaan waxay tilmaamayaan isku dhexyaaca dhinaca maamulka ah ee golaha ka jira. ayuu markale hadlkiisa siiraaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka oo joogay kulankii maanta baaqday ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaanadu ay waajibkooda guda waayaan.

Guddoomiye Abshirow wuxuu ku dooday in xildhibaanada saxiixay buugga xaadirinta ay ka fiican yihiin xildhibaanada iska maqan, “Waa inaan kala saarno, ugu yaraan xildhibaanada yimaaday ee tegay waxay buuxiyeen kooramka,” ayuu yiri.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News