UK (KAAB TV) -Xildhibaan Gavin Williamson, oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay maalgeliso kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, isagoo sidoo kale ugu baaqay Mareykanka inuu Somaliland aqoonsado.
Xildhibaanka oo si weyn u taageeray go’aanka Mareykanka ee lagu xidhay hay’adda weyn ee USAID, oo Washington u qaabilsanayd arrimaha bani’aadamnimada, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hay’adda u adeegsan jirtay sidii ay dhaqaale ugu gudbin lahayd kooxda Al-Shabaab.
“Hay’adda USAID waxa adeegsan jirtay dowladda Soomaaliya si ay lacag iyo taageero ugu dirto Al-Shabaab. Waxa la jooga xilligii la joojin lahaa in lacagta cashuur-bixiyayaasha Mareykanka lagu taageero dowladdan argagixisada taageerta,” ayuu Gavin ku yidhi bartiisa X.
Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay taageero ciidan iyo mid dhaqaale siiso kooxda Xuutiyiinta Yemen. “Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa Al-Shabaab, waxay kharash iyo saanad ciidan u dirtaa kooxda Xuutiyiinta. Trump wuu ku saxnaa duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyay,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu dimuqraadisan gobolka. “Aqoonso Somaliland, oo ah dalka ugu dimuqraadisan gobolka, oo jooji maalgelinta Mareykanka ee Muqdisho, oo taageerta argagixisada,” ayuu yiri.
Gavin Williamson ayaa ka mid ah xildhibaanada sida weyn ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland, isagoo marar badan golaha Baarlamaanka UK horgeeyay dooddo la xidhiidha arrintaas.