Xildhibaan katirsan Senetarada Mareykanka eedeymo musuq-maasuq oo lagu soo oogay Talaadadii

|

New York (KAAB TV) – Xildhibaan ka tirsan aqalka Sentarada ee Maraykanka, Senator Bob Menendez ayaa lagu helay dhammaan eedaymo musuqmaasuq oo lagu soo oogay Talaadadii, waxaana eedaha loosoo jeediyey ku jira, inuu laaluush isugu jira dahab iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo ka soo jeeda gobolka New Jersey ee dalkan Maraykanka iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa dowladda Masar.

Sidoo kale, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in mudanahani uu ku takri falay awooda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu wax taro asxaabtiisa oo ay ku jirto xaaskiisa.

Dhanka kale, Xildhibaan Bob Menendez ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu kulamo kala duwan la galay sirdoonka Masar, si uu u debciyo mowqifkiisa, ugana shaqeeyo, sidii loo dedejin lahaa kaalmo ku kacaysa malaayiin doollar oo ah gargaarka Maraykanku uu siiyo dalkaasi.

Ugudambeyn, Menendez ayaase ku dooday inaanu weligii jebin dhaartii uu u maray xafiiskiisa  isagoona sheegay in uusan marna muwaadin u noqonin dal aan ka ahayn Maraykanka, isla markaana anuu weligiis wakiil u noqon dal shisheeye

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News