BOOSAASO (Kaab TV) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo loo yaqaano Jinac, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah Mideeye, ayaa loo doortay duqa cusub ee magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga iyo dekedda Puntland.
Doorashadu waxay dhacday Arbaco, iyadoo ay codeeyeen 33 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka Boosaaso.
Musharraxa kaliya ee la tartamayay, Cabdullaahi Cartan, ayaa isaga haray tartanka kahor intaan la bixin codadka.
Cabdiraxmaan Jinac ayaa beddelay Cabdifataax Maxamed Cismaan, duqii hore ee magaalada, kaasoo maalmo kahor xilka iska casilay kadib khilaafaad iyo isqabqabsi hareeyay golaha deegaanka Boosaaso.
Duqa cusub ee Boosaaso yeelaneyso ayaa kasoo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Mideeye, waxaana laga filayaa hoggaan cusub oo uu u horseedo magaalada Boosaaso oo ah halbowlaha dhaqaale ee Puntland iyo marin ganacsi oo istiraatiiji ah.

