SO | EN

SO | EN

Xildhibaan qabiilkeeda dartiis saaka looga celiyay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaan Farxiyo Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka soo saartay eedayn culus oo la xiriirta in looga hor istaagay ka qaybgalka fadhiga golaha sababo la xiriira haybteeda qabiil.

Xildhibaanadda ayaa sheegtay inay saaka u tagtay xarunta Baarlamaanka si ay uga qaybgasho doodda ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka, balse ay la kulantay falkii ugu yaabka badnaa markii ilaalada xaruntu ay u diideen inay gudaha u gasho.

“Saaka wax Daarood ah lagama ogola”

Farxiyo Yuusuf ayaa xustay in markii la celiyay lagu yiri hadal xanaaq iyo yaab leh:

“Saaka wax Daarood ah lagama ogola golaha baarlamaanka.”

Xildhibaanadda ayaa hoosta ka xariiqday inaysan ka mid ahayn liiska 20-ka xildhibaan ee dhowaan Guddoonka Baarlamaanku ka soo saaray go’aanka mamnuubista ah, taasna ay ka dhigeyso falkan mid si gaar ah loogu beegsaday qofnimadeeda iyo qabiilkeeda.

Waxay sheegtay in markii ay weydiisay sababta iyada loo hor istaagay waxay kaliya heshey waa jawaabta ah in “Daarood aan loo ogileyn”.

Waxay sheegtay in ciidamada hor istaagay ay ahaayeen kuwa koofi casta eeMadaxtooyada, oo illaa 8 askari ahaa.

Waxay sheegtay in xilligaas ay jireen xildhibaanno kale oo sii galaayay golaha oo aan haba yaraatee la celinin.

“Golaha waa golihii aan ku shaqeynayay,” ayay tiri iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay in xaruntii qaranka looga celiyo reer hebelnimo. Dhacdadan ayaa dhalisay hadal-hayn badan, iyadoo lagu soo beegay xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka wax ka bedelka dastuurka dalka.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in la riix riixay oo lakala tuuray, askartuna isku dayeen inay u gacan qaadaan, ka hor intii aanay xildhibaano haween ah aysan arrinta soo dhex galin.

“Baarlamaankii Soomaaliya wuxuu noqday meel qabiil,” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Hab dhowraha baarlamaanka oo arrinka lagu wargaliyay, ayay sheegtay xildhibaan Farxiyo, inuu canaantay askartii balse uu dib isaga laabtay oo uusan wax weyn kasoo qaadin dhacadadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News