SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Shuuriye ‘’Haa waa damiintay – ninkii gubay xaaskiisa‘’.

|

Muqdisho (KAAB ) Saacadihii la soo  dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya  inuu baxsaday nin xaaskiisa si arxan darra ahu gubay xaaskiisa oo Uur lahayd.

Waxa wararka qaar ay sheegayaan in ninkaas xubno ka tirsan Dowladda ay ka dhoofiyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isla markaana shaqada uu damaanad ugu ahaa Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Xildhibaanku waxa uu sheegay  inuu yahay ninkaas xildhinaankii matalayay waxana uu xusay inuu aad ugu xun yahay wixii ku dhacay gabadhaas Soomaaliyeed ee nolosha lagu- gubay.

“Wey jirtaa in aan damiin ka ahaa, Halmar ayaana Arkay,waxaana rajeynayaa in sharciga la horkeenidoono dilaaga” ayuu yiri  Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

Intaas  waxa uu  ku daray in tan iyo markii falkaas uu gaystay dambiilahaas  ay ka shaqeynayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ilaa iyo haddana ay ku guda jiraan talabadaas.

Si kastaba guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa si aad ah ugu xumaaday talabadii  nin xaaskii  uu ku qabay uu dab ku qabsadsiyay gudaha magaalada Muqdisho.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News