SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo kashifay hanjabaado dil oo loo jeediyay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka, ayaa Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ah Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo saaray eedayn ah in xildhibaanada mucaaradka loogu hanjabay dil.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho, xildhibaanka ayaa si cad u sheegay in jawi cabsi iyo handadaad ah uu soo wajahay mudanayaasha fikirka duwan qaba.

“Waxaa jira xildhibaano la handaday, oo la yiri inaan ku dilno ayaa nala soo amray,” ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid, isagoo muujiyay in cadaadis xooggan lagu hayo xubnaha baarlamaanka si ay ugu dhiiradaan go’aanno gaar ah ama ay uga aamusaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Eedayntan ayaa timid ka dib markii buuq iyo is-hortaas uu hareeyay fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka, halkaas oo lagu kala qaybsamay habka loo wajahayo cutubyada cusub ee dastuurka.

Gama’diid ma carabaabin shaqsiyaadka rasmiga ah ee hanjabaadda geystay, balse hadalkiisu wuxuu sawirayaa jawi amni darro oo ka dhex dhashay xaruntii sharci-dejinta ee dalka.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan xasaanadda xildhibaanka iyo ilaalinta xorriyadda hadalka ee gudaha Baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay Muqdisho dhexda u fadhido loolan awooddeed oo xasaasi ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News