SO | EN

SO | EN

Xildhibaanada cusub oo la diiday & rasaas laga maqlayo xaafadaha Garoowe

|

Garoowe (KAAB) Sida uu shaaciyay  Guddoomiyaha  Guddiga doorashooyinka Puntland waxa  uu Guddiga doorashada uu diiday , xubnaha cusub ee Barlamaanka Puntland.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka , Isxaaq Axmed Xasan ayuu sheegay in xubnaha Barlamaanka cusub ay yihiin kuwo aan sharci ku fadhin.

Guddoomiye Isxaaq ayaa sheegay in liiskaas ay soo gudbisay madaxtooyada, xubnaha ku qorana aysan soo marin habraacii saxda ahaa ee doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Mar Isxaaq ayaa sheegay in Madaxtooyada Puntland ay doonayso in ay marooqsato awooda doorashada taasna ay tahay wax  aad looga xumaado.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrintaan lama filaan ku noqotay, isla markaana ay tahay wax laga xumaado in doorashadii ay la wareegto madaxtooyada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo liiska la shaaciyay ay kusoo baxeen xubno badan oo ay wadato madaxtooyada, taas oo hadal heyn xoogan ka dhalisay Puntland.

Dhanka kale wararka laga helayo magaalada  Garoowe ayaa sheegaya in gudaha magaalada laga maqlayo rasaas  xoogan oo ka dhalatay  muranka ka  taagan xildhibaanada cusub ee la soo xulay ee maanta  ku kulmay magaalada.

Si kastaba xaalada Garoowe ayaa wax aka taagan xaalad hubinti la’aan ah waxaana socdo dadaalo lagu doonayo in xiisada ka dhalatay doorashada lagu qaboojiyo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News