KISMAAYO (Kaab TV) – Xildhibaanada Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, deegaan doorashadooduna tahay Dowladda Jubaland, oo socdaal shaqo ah ku soo gaaray caasimadda KMG ee Dowladda Jubaland, Kismaayo, ka dib casumaad wadatashi ah oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa soo saaray go’aan rasmi ah oo ay ku diiddan yihiin bedelidda dastuurka dalka.


GO’AANKA IYO MOWQIFKA RASMIGA AH EE XILDHIBAANADA KA SOO JEEDA DOWLADDA JUBALAND:
Anagoo ah Xildhibaanada Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, deegaan doorashadooduna tahay Dowladda Jubaland, waxaan socdaal shaqo ah ku soo gaarney caasimadda KMG ee Dowladda Jubaland, Kismaayo, ka dib casumaad wadatashi ah oo naga soo gaartey Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Muddadii aan ku sugneyn magaalada Kismaayo, waxaan kulamo wada-tashi ah la yeelanay dhinacyada kala duwan ee bulshada rayidka (ganacsatada, haweenka, dhalinyarada, iyo odeyaasha dhaqanka) iyo sidoo kale Goleyaasha Wakiilada iyo Fulinta ee Dowladda Jubaland.
Dhammaan wadatashiyadii aan la yeelanay qeybahaas waxay caddeeyeen mas’uuliyad darro ka timid madaxda sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha JFS oo ah ilaaliyaha Dastuurka, iyo Guddoonka Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka, oo laga filayay inay kaalin ka qaataan isu-dheelitirka hay’adaha Dowladda, Waxay iska kaashadeen ku xadgudubka Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Barlamaanka, taasoo khatar gelisay hanaanka sharci, madaxbanaanidii Goleyaasha iyo kalsoonida shacabka.
Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah jiritaanka iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; qodobada aan ku diidanahay soo saarista Dastuur cusub waa in:
1. Uu yahay mid baalmarsan habraacyadii dastuuriga ahaa, sidaa darteedna uu yahay mid sharci-darro ah (null and void) oo aan wax awood sharciyeed ah lahayn.
2. In aan wax wadatashi ah lagala yeelan Dowladda Jubaland, goleyaasheeda sharci-dejinta iyo fulinta, bulshada rayidka ah, taasoo jebineysa mabda’a federaalka iyo matalaadda dadweynaha.
3. In inta badan dhammaan xubnihii Labada Aqal ee matalayay deegaanada Jubaland laga hor istaagay hanaankan, taasoo dhaawaceysa sharciyadda, matalaadda, iyo kalsoonida nidaamka.
4. In waxa la soo bandhigay uusan ahayn wax ka bedel iyo dhameystir ku kooban Dastuurka KMG, balse uu yahay Dastuur cusub oo gebi ahaanba ka baxsan awoodda Barlamaanka oo keliya, isla markaana u baahan hannaan qaran oo loo dhan yahay.
Go’aan:
Waxaan cadeyneynaa in Dastuurka kaliya ee sharci ahaan dalku u yaala uu yahay Dastuurka KMG ah ee 2012, ilaa si waafaqsan habraacyadiisa dastuuriga ah wax looga beddelo ama loo dhameystiro.
In xeerarka, guddiyada ama natiijo kasta oo ka soo baxda Dastuurkan sida sharci-darrada ah loo bedelay ay yihiin kuwo aan sharciyad lahayn, aan ka dhaqangeleynin degaanada Dowladda Jubaland, maadaama uu ka maran yahay matalaad qaran.
Waxaan mar kale ku celinaynaa in ilaalinta Dastuurka KMG, dhowrista nidaamka federaalka, sugidda midnimada qaranka, iyo difaaca danta guud ay yihiin waajibaad dastuuri ah oo aan ka tanaasuli doonin.
Cambaareyn: Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkii sharci-darrada ahaa ee lagula kacey xildhibaanada federaalka ee laga soo doorto Dowladda Puntland, kuwaasoo laga hor istaagey iney u safraan deegaanadooda, welina ku xaniban gudaha Geggida diyaaradaha Muqdisho, loona diidey inay ka dhoofaan. Wa bilaahi Towfiiq
Xildhibaanada labada Aqal ee Dowladda Federaalka ku metala Dowladda Jubaland ee qaadacay wax ka badalka Dastuurka ee sharci darada ah:-
1. Sen. Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan
2. Sen. Maryam Faarax Kaahiye
3. Sen. Ibraahim Awgaab Cusmaan
4. Sen. Ilyaas Badal Gaboose
5. Sen. Xasan Daahir Yarow
6. Sen. Layla Nuur Maax
7. Xil. Cabaas Cali Ibraahim
8. Xil. Cabdulaahi Abukar Xaaji (Carab)
9. Xil. Maxamed Sheekh Nuur (Garaad)
10. Xil. Mowlid Cabdi Maxamuud
11. Xil. Axmed Aadan Axmed
12. Xil. Cabdiqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox)
13. Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed
14. Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig
15. Xil. Axmed Cusmaan Ibraahim (Daqare)
16. Xil. Cabdinuur Cali Aadan
17. Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare)
18. Xil. Cabdirashiid Jire Khalinle
19. Xil. Axmed Maxamuud Jaamac
20. Xil. Cumar Yuusuf Qaladiid
21. Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif
22. Xil. Xasan Hure Ugaas
23. Xil. Sahro Jaamac Cali
24. Xil. Yuusuf Maxamed Ismaaciil
25. Xil. Maryam Aweys Jaamac
26. Xil. Saciid Maxamed Cali
27. Xil. Maxamed Xasan Shaahiyow
28. Xil. Saadiq Cabdullaahi Cabdi
29. Xil. Faarax Macalin Bishaar
30. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caananuug)
31. Xil. Cabdiqaadir Maxamed Wacays
32. Xil. Faadumo Faarax Aadan
33. Xil. Duniyo Cusmaan Yuusuf
34. Xil. Cadar Xareed Jibriil
35. Xil. Nasro Sheekh Mahdi Caraale
36. Xil. Cabdiqaadir Maxamuud Dhaqane (Jeylaani)
37. Xil. Mursal Maxamed Khaliif
38. Xil. Cusmaan Libaax Ibraahim
39.Xil. Roodo Carab Cabdi

