Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliay ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan adag ka yeesheen arrimaha masiiriga ee dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka.
Waxaana kulanka goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.
Xildhibaanada ayaa soo hadal qaaday sida ay muhiim ay u tahay in xildhibaanada ay ka go’aan gaaraan arrimaha dowga u ah ummadda Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegay in waajibaadkooda uu yahay dhameysirka dastuurka iyo go’aan ka gaaristiisa, oo aanay u oolin Madasha Wadatashiga Qaran iyo cid kale, sidoo kale Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in Madaxweynaha aanu tagin Garowe.
Waxaa la is weydiinayaa oo su’aal taagan ah sida Baarlamaankan 11aad uu awood siyaasadeed ugu yeelan doono jaangoynta arrimaha masiiriga ah.