Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfafhigoodii lixaad kulankiisa 7-aad ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo ucodeynta sharciga wax ka badalka ka hortaga lacag dhaqida iyo maaligelinta argagixisada.
Sidoo kale, ansixinta sharciga waxaa ogolaatay 141-xildhibaan halka laba Xildhibaanna ay ka aamustay, mana jirin Xildhibaan diiday.
Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana ogolaatay 142, hal xildhibaanna waa uu aamusay, mana jirin Xildhibaan diiday.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedyadan oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.