SO | EN

SO | EN

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciyo muhiim ah

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 23-aad ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Kulanka oo ajandihiisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya, iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS. Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ku cadeeyay, waxaa ogolaaday 134-Xildhibaan, waxaa diiday,1 waxaa ka aamustay 6-Xildhibaan.

Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka oo  soo jeediyay in la taageero Musharaxa Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka Xil. Marwa Cabdibashiir Cali oo u tartameeysay xilka Madaxweynaha Inter-Parliamenty Union oo ay ku midoobeen Xildhibaannada Dowladaha Adduunka, waxaana Xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in laga jaro Xildhibaan kasta $200 Doolar.

Ugu dambeyntii, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiiniinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Sadad Mohamed Nuur Aliyow, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida hufan ee ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh Qaxootiga Soomaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News