SO | EN

SO | EN

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka dooday ajendayaal xasaasi ah

|

Muqdisho (KAAB) – Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 10-aad ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Kulanka oo Ajandihiisu ahaa akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, Qeybinta Hindise Sharciyeedka sharciga hubka ee Soomaaliya, Heshiiska aasaasida Ciidamada heeganka ah Bariga Afrika.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dood ka yeeshay Hindise Sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, iyadoo su’aalo laga weeydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cige, waxaana uu mid mid u dul istaagay dhammaan su’aalihii ay Xildhibaanadu weeydiiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in sharciga Hanti dhowraha Guud uu wax badan ka baddali doono nidaamka Maaliyadeed iyo kor u qaadida hufnaanta Maaliyadda dalka,waxa uu shegay in ay muhiim tahay in laga guur Hanti dhowr hoos yimaado xukuumadda,xildhibaanada  ay tahay in ay ansixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale su’aalo ay weydiiyeen xildhibannada oo ay kamid tahay sameynta sharcigan uu ku yeelanayo Hanti dhowraha jooga ayaa sheega in Hinto dhowraha uu ku joogo sharci la sameeyay 1972,inta sharcigaan la meel marinayana dalka isaga uu sharci u yahay,wasiirka ayaa dhammaan ka jawabay su’alihii xildhibaanada ay ka weydiiyeen shacriga Hanti dhowraha Guud.

Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha guud ee Golaha in uu Sharciga ku wareejiyo Guddiga ku shaqada leh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News