Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaannada laga soo doorto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta golaha shacabka geeyay mooshin.
Mooshinkan Xildhibaannada reer Jubbaland ay geeyeen golaha shacabka ayaa ahaa mid ay uga soo horjeedaan xayiraada dhinaca safarka ah ee lasaaray shacabka iyo siyaasiyiinta reer Jubbaland.
Xildhibaannada gudbiyay mooshinka oo la shaaciyay magacyadooda ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga doodo
“Annaga oo ka duuleyno xad-gudubyada loo gaystay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xildibaannada si waafaqsan qodobka 25-aad, faqraddiisa 3-aad xarfaha B iyo E ee xeer-hoosaadka golaha shacabka waxaan soo jeedineynaa in lagu daro ajendaha in wax la’iska waydiiyo ku tumashada qodobada dastuurka iyo xasaanadda xildhibaannada” ayay yiraahdeen Xildhibaannada mooshinka gudbiyay oo u badan kuwa mucaaradka.
Xildhibaannada sida adag uga hadlay cunaqabteynta saaran shacabka reer Jubbaland ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo qeyb ka ahaa mooshinka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay ku tumatay xuquuda shacabka iyo Xildhibaannada.
“Waxaad arkaysaa diyaarad la handadayo oo la leeyahay Xildhibaan Jeesoow ha soo qaadina, DFS waa ka dartay waxayna ku tumatay sharcigii xuquuqda muwaadinka ama xildhibaanka uu lahaa”. ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo wax ka gudbiyay mooshinka.
Ugudambeyntii, todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay DF ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagay safarkoodi