Muqdisho (KAAB) – Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa baaq kasoo saaray xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay wax-kabadelka dastuurka Puntland ee ka taagan magaalada Garoowe .
Qoraal ay soo saareen xildhibaannadan kasoo jeeda Puntland ayey ugu baaqeen maamulka Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda in ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga caasimadda Puntland.
Xildhibaannadan ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo wax-kabedelka lagu sameenayo dastuurka maamulka Puntland, sidoo kale la qabto doorashada Puntland xilligeeda, iyadoo waliba loo qabanayo sidii soo jireenka eheed.
Maamul goboleedka Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa kataagnaa khilaaf siyaasadeed oo udhexeeyo, maamulka madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka sidoo kale khilaafkan ayaa kadhashay in wax kabadal lagu sameeyo dastuurka maamul goboleedka Puntland walow ilaa laisku mari la’yahay.
Dhanka kale waxaa dhawaan magaalada Garoowe gaaray siyaasiyiin ey kamid yihiin, madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe kawaday kulamo gaar gaar ah kulamadaas oo xal loogu raadinaayo khilaafka siyaasadeed ee kataagan magaalada Garoowe.