SO | EN

SO | EN

Xildhibaano Maraykan oo ka horyimid go’aanka Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan

|

Muqdisho (KAAB TV) -Xildhibaano Mareykan ah ayaa warqad rasmi ah u diray safiirka Soomaaliya ee Washington, Daahir Hassan Abdi, iyagoo ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay dib uga laabato go’aankeeda ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.

Xildhibaanada Tom Tiffany iyo Andy Ogles ayaa walaac xoogan ka muujiyay go’aanka Soomaaliya ee lagu mamnuucay baasaboorka Taiwan. Waxay sheegeen in go’aankan uu yimid kaddib cadaadis Soomaaliya kaga yimid dowladda Shiinaha.

Waxay xildhibaanadu uga digeen Soomaaliya in go’aankan uu horseedi karo “cawaaqib adag oo aargoosi ah” oo saameyn kara shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, gaar ahaan kuwa haysta Temporary Protected Status (TPS). Cawaaqibtaasi waxay sheegeen inuu noqon karo in Mareykanku dib u celiyo dadkaas, lagana laabto ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay.

Waxay intaas ku dareen in Mareykanku sidoo kale qaadi karo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin joojinta degdegga ah ee bixinta fiisayaasha Soomaaliya, diidmada baasaboorrada Soomaaliya in lagu galo ama looga sii gudbo Mareykanka, iyo hakinta gargaarka mustaqbalka.

Talaadadii ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan cambaareysay tallaabada Soomaaliya, iyada oo ku eedeysay inay u adeegayso danaha Shiinaha.

Shiinaha ayaa Soomaaliya ku ammaantay mamnuucidda ay ku soo rogtay dadka wata baasaboorka Taiwan oo laga joojiyay Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Taiwan, oo ka carootay xayiraadda ay Soomaaliya kusoo rogtay dadka sita baasaboorkeeda, ayaa iyaduna xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay dadka sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo hadda kadib aan u safri karin Taiwan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News