SO | EN

SO | EN

Xildhibaano saaxiib la ahaa Xasan oo diiday muddo kororsiga

|

Muqdisho (Kaab TV) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dood ka yeeshay mooshinka muddo kordhinta madaxweynaha iyo labada aqal ee baarlamaanka oo la hor geeyay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah garbaha Madaxweyne Xasan Sheekh, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madaxweynaha wakiil uga ah arrimaha bini’aadanimada iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa maanta kahor imaaday in baarlamaanka iyo madaxtooyada loo sameeyo muddo kordhin hal sano ah.

Xildhibaano ka tirsan xisbiga madaxweynaha iyo kuwo la shaqeeya oo saaxiib la ah madaxda dowladda federaalka ayaa qeyb ka ah xubnaha sida adag u diiday in lagu dhaqaaqo muddo kororsi.

“In muddo kordhin la sameysto dhibaatooyin badan ayaa naga soo maray, halis waxaa ku galay Madaxweynaha xafiiska fadhiya, nafteena ayaan ku siganay inaan ku weyno,” ayuu maanta golaha ka yiri Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame.

Kulankan xasaasiga ah ee Baarlamaanka ayaa soo bilaabatay bishii Febraayo ee sanadkan, markaas oo loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahdi Guuleed, guddigaas ayaa maanta golaha ku soo celiyey mooshinkaas oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan 90 xildhibaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri, “Hal sano oo aan ku darsano yaanaan ku fekerine aan xoogga saarno inaan wax muuqda qabano seddaxda sano ee noo hartay.”

Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii maanta sida adag u diiday muddo kororsiga “Mooshinkaan wax ka badalka iyo kabista dastuurka lagu sheegay ma ahan mid sharci ah, mana aqbali karno muddo kororsi iyo jaha wareer dambe,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News