Muqdisho (KAAB TV) –Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay mooshin ka wadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay ku eedeeyen inuu socodsiin wayay kalfadhiga lixaad ee Golaha shacabka.
Xildhibanadaan ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha shacabka inuu ku xad gudbay Dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka u degsan Golaha, waxaana ay tilmaameen iyadoo uu kalfadhigii lixaad uu furan yahay muddo seddex bilood ah haddana aysan jirin inay xildhibaanadu wax fadhi ah ay iskugu yimaadaan.
Waxa ay sidoo kale mudanayaashaan ku shiray magaalada Muqdisho ay cadeeyeen inuu Golaha Shacabka u xiran yahay Sheekh Aadan Madoobe kadib markuu ka war helay inay jiraan dhaq dhaqaaqyo mooshin isaga laga wado taana ay keentay in gabi ahaanba uusan furin fadhiyada Golaha shacabka.
Xildhibaan Saadaq Cabdullahi oo kamid ah mudanayaashii shirka ka qeyb galay ee warbaahinta la wadaagay qodobada ay shirkoodi kasoo saareen ayaa sheegay in hayaan mooshin dhameystiran oo sharci ah ayna keeneen in kabadan 100 xildhibaan si waafaqsan qodobka 65aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka KMG.
Waxa uu tilmaamay inay usoo jeedinayaan Guddoonka Golaha shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo Golaha si howsha qaran ee u taala mudanayaasha Golaha shacabka ay gutaan maadama muddo kabadan 2 isbuuc aysan qabanin wax shaqo ah.