SO | EN

SO | EN

Xildhibaano Sweden oo booqasho ku jooga Somaliland

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay wefti ballaadhan oo oo ka socday Baarlamaanka dalka Sweden iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiyada wadaagga ku ah talada dalka, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden, Zakariye Xasan Wacays.

Xildhibaanada Sweden ayaa kala ahaa:

1. Magnus Oscarsson (MP)

2. Mikael Oscarsson (MP)

3. Mathias Bengtsson (MP)

4. Dan Hovskär (MP)

5. Annicki Oscarsson (Masuul Xisbi)

6. Natalie Oscarsson (Masuul Xisbi),

7. Katrin Hovskär (Masuul Xisbi)

8. Mikael Torstensson (Ergayga gaarka ah ee Somaliland ee dalka Sweden) iyo Xaaskiisa Elisabeth Torstensson.

Qodobada laga hadlay

War saxaafadeed kasoo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige ayaa lagu sheegay in ujeeddada weftiga ka socday Baarlamaanka dalka Sweden ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda Somaliland ee xagga horumarka bulshada, geeddi socodka Dimuqraadiyadda, dardargelinta arrimaha aqoonsiga Somaliland, nabadda, maamul wanaagga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi ee ka dhaxayn kara labada dal, Somaliland iyo Sweden.

Xildhibaano Sweden oo booqasho ku jooga Somaliland.
Xildhibaano Sweden oo booqasho ku jooga Somaliland.

“Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu weftiga ka socday dalka Sweden u sharraxay Sooyaalka Taariikheed ee madax-bannaanida Somaliland, iyo sida ay shacabka Somaliland si aan ka noqosho lahayn ay afti dadweyne ugu go’aansadeen in ay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidooda 18 May, 1991, ka dib burburkii iyo khasaarihii ka dhashay midowgii ay ummadda Somaliland la galeen Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka Cige Deyr.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu ku booriyey Dawladda iyo Baarlamaanka dalka Sweden in ay kaalintooda ka qaataan ololaha iyo dhiirrigelinta Aqoonsiga Caalamiga ah ee Somaliland, maadaama ay tahay dawlad u qalanta aqoonsi buuxa, taasoo ku dhisan xasillooni, nabad, iyo nidaam dastuuri ah oo madax-bannaan oo ay Somaliland ku dhaqmaysay muddo 34 sano ah.

* Fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida ballaadhinta Dekedda Berbera, Tamarta la cusboonaysiin karo, Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

* Iskaashiga horumarinta arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

* Arrimaha bini’aadannimada, iyada oo Madaxweyne ku-xigeenku xusay sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo daryeelka dadka nugul.

Xildhibaano Sweden oo booqasho ku jooga Somaliland
Xildhibaano Sweden oo booqasho ku jooga Somaliland.

Dhanka weftiga culus ee ka socday dalka Sweden, waxa ay muujiyeen danayn iyo faham qoto dheer oo ku saabsan Qadiyadda Somaliland, iyaga oo Somaliland ku ammaanay nabadda, xasilloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka ka jira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News