SO | EN

SO | EN

Xiliga uu furmaayo kalfadhiga baarlamaanka oo la shaaciyay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa go’aamiyey in si rasmi ah kalfadhiga loo furo maalinta Sabtiga ah ee soo socota oo ku beegan 22-ka Febraayo 2025.

Sidoo kale, Furitaanka kalfadhigga lixaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey u qorsheysnaa in la furo lixdii bishan, hasa ahaatee sababo aan la shaacin ayaa dib loogu dhigay furitaanka kalfadhigga labada Aqal.

Inkastoo furitaanka kalfahiyadda baarlamaanka wararka qaar sheegayaan in uu ku dheganyahay madaxweyne Xasan Sheekh, sababo laxiriira xasarado siyaasadeed oo ka dhextaagan xildhibaannada baarlamaanka, oo sida lasheegay mooshin xilka looga tuuraayo RW Xamse Cabdi Barre ay diyaariyeen, iyaga oo sugaya inta uu ka furmaya kalfadhiga baarlamaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News