Asmara (KAAB TV) – Eritrea, ayaa amar ku bixisay in la joojiyo duulimaadyadii tagi jiray dalkaas ee shirkadda Ethiopia Airlines.
Sidoo kale, intii isbadalku dhacay ee Abiye Ahmed xuduudaha furay waxaa fiicnaaday xiriirka laba dal waxayna keentay in Itoobiya iyo Eritrea dagaalkii waqooyi isku dhinac ka safteen, iyagoo la dagaalamayey xoogagii Tigray.
Hase ahaatee Heshiiskii Tigrey iyo Abiy Ahmed ka dib xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaaday ka dib markii Asmara ay ka carootay heshiiskaas.
Dhanka kale, Xiriirka labada dowladood ayaa sii xumaaday markii Itoobiya ay ku eedeysay Eritreya iney hub ku taageertay Jabhada axmaarada FANO ee dagaalka kula jirta xukuumada Abiy Ahmed.
Dhawaan ayay Eritrea u soo qalin jabiyeen ciidamo horleh oo tira baddan, iyadoo Madaxweyne Isias afwerki oo faggaare ka hadlayay uu sheegay in dalalka kale ee gobolka diyaar garaw waddaan, iyaguna arrintaas isku sii diyaarinayaan.
Ugudambeyn, maalinimadii Isniinta ayay Itoobiya la soo degtay gaadiidka gaashaman oo tiro baddan dadka Itoobiya arrimaheedda fallanqeeya ayaa wallaac ka muujiyay dagaal laga cabsi qabo inuu xuduudka Eritrea ka qarxo.

