New York (KAAB TV) – Maamulka Trump ayaa sheegay in mar kale xirayaan oo aanay shaqayn doonin xarunta dhexe ee Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee ku taalla bartamaha Washington DC, taasoo ka dhigan in shaqaalaha hay’adda laga hor istaagi doono inay galaan xarunta maalintii labaad iyadoo la qorsheynayo in hay’addan la xiro gabi ahaanba.
Xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu haatan yahay madaxa ku-meel-gaarka ah ee Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID), taasoo bixisa balaayiin doolar oo gargaar ah adduunka dacalladiisa.
Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ayaa arrintan ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imanaysa dastuurka, iyagoo sheegay inay dhaawici doonto dadka saboolka ah ee caalamka, halis gelin doontana amniga qaranka, isla markaana yarayn doonto saameynta Maraykanka ee heer caalami.
Sidoo kale, Xiritaanka hay’adda USAID ayaa sababtay in uu dagaal ka dhex qarxo Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka Trump ay saaxiibada dhow yihiin ee Elon Musk ayaa saacadihii u dambeeyey ka socday baraha bulshada gaar ahaanna barta X.
Elon Musk ayaa si weyn u weeraray Ilhaan Cumar oo u doodaysay in aan la xirin Haayaddii gargaarka bixin jirtay ee USAID balse Elon Musk ayaa Xildhibaannada ugu jawaabay in ay tahay khaa’imad neceb dalka Maraykanka, Xildhibaannada Ilhaan Cumar oo eedda loo jeediyey ayaa gaashaanka u daruurtay iyadoo sheegtay in uu Elon Musk lacago badan siiyey Donald Trump si uu saamayn ugu yeesho xogta xasaasigaha ee dawladda.
Dhinaca kale, Elon Musk ayaa faafiyey muuqaal lagu dhalleecanayo Ilhaan Cumar oo lagu edeeyey in ay ka qayb gashay kulan loo qabtay Soomaali aan sharci haysan oo ka dhacay gudaha Maraykanka, taas oo ku dulqoray in ay jebisay sharcigii Maraykanka.
Hayeeshe Ilhaan Cumar ayaa ugu jawaabtay in uu isagu yahay kan jebinaya sharciga Maraykanka isla markaana sii faafinaya muuqaallo la dhalan rogay.
Dagaalka labada masuul ayaa ka dhashay xiritaanka Hay;addii USAID.