SO | EN

SO | EN

Xisbiga Xasan Sheekh: Kala shaki, is xulufeysi qabiil iyo dano is huwan

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa Talaadadii shalay baaqday shirweyne lagu daahfuri lahaa xisbi siyaasadeedka Xasan Sheekh Maxamuud oo magaca laga bedelay, loona bixiyay ‘Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka’ kaasoo lagu waday in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Sababta baaqashada rasmi ahaan loogama hadlin, hase ahaatee warbaahinta ayaa ogaatay in madaxda dowlad gobolleedyada qaarkood oo lagu waday inay xisbigan ku biiraan ay ka caga jiideen ugu dambeyntii.

Xisbigan oo markiisi hore ahaa UPD oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan waxaa la shaaciyay in magaca laga bedelay, si loogu soo daro madaxda dowlad gobolleedyada, iyo madaxda hadda xilka heysa ee dowladda federaalka.

Sharci ahaan ma cadda sida mas’uuliyiin xilal haya, heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ay ugu biiri karaan xisbi siyaasadeed, iyaga oo aan hore uga tirsanaan jirin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wasiirada xukuumadda iyo xitaa xildhibaanno iyo agaasimayaasha wasaaradaha dowladda federaalka ayaa lagu soo daray xisbiga.

Siyaasiyiinta mucaaradka sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qaar ka mid ah wasiirrada Puntland ayaa si kulul u dhaliilay isku milanka xisbiga Xasan Sheekh iyo Madasha Qaranka oo ay ahayd inay dadkoo dhan u sinnaato.

Waxaa sidoo kale war saxaafadeed uu soo saaray kaga digay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowlad gobolleedyada ku tirtirsiiyay “inaysan qeyb ka noqon qorshaha xukun maroorsiga Xasan Sheekh”.

Isku dayga doorashada 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo cakiran. Waxaa dhaqaaqi la’ barnaamijkii doorashada ee ay xukuumaddiisu wadday, iyadoo ay sababta ugu weyn ay tahay in dowlad gobolleedyada oo ay ku jiraan xitaa kuwa taageersan isaga sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle aysan weli aqbalin in guddiga doorashada ee khilaafku ka taagan yahay, ay diiwaangalinta kasameeyaan dowlad gobolleedyada.

Illaa hadda diiwaangalinta codbixiyaasha ayaa ku eg dhowr xaafadood oo magaalada Muqdisho ah.

Muran ka taagan xisbiga magaca laga bedelay ee UPD.
Muran ka taagan xisbiga magaca laga bedelay ee UPD.

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa horey u diidday doorashada halka dhinac, iyagoo sheegay in dib loogu noqdo dastuurkii la bedelay, lagana laanto magacaabidda guddiga doorashada ee uu Xasan Sheekh sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo waqtigu ku yar yahay, ayaa weli ku adkeysanaya qorshihiisa doorasho hal dhinac, oo ah mirihii bedelista dastuurka iyo magacaabista guddiga doorashada.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya waxay Kaab TV u sheegeen in qorshahan uu yahay midka kaliya ee uu Xasan Sheekh ku xaqiijin karo in dib loo soo doorto marka la gaaro May 2026, iyadoo gabbaad laga dhiganaayo inuu ku soo baxay “doorasho qof iyo cod” xitaa haddii aan la isku raacsaneyn.

Ilaha Villa Soomaaliya waxay leeyihiin beesha caalamka way ku qasbanaan doontaa inay aqbasho wax kasta oo kasoo baxa doorashada halka dhinac xitaa haddii aysan sharci ahayn, waxayna tusaale u soo qaadanayaan doorashooyinka lagu shubto ee Jabuuti iyo meelo kale oo Xasan Sheekh muddo ishaa-falateysi iyo khibrad kororsi ugu jiray.

Waana sidan sida ay kula taliyeen kaadiriinta xisbigiisa hadda magaca laga bedelay.

Waxaa jiray dib u dhacyo isla kooxda Xasan Sheekh, ee Dam Jadiidka, soo wajahay. Kooxdan oo dhanna siyaasad iyo ganacsiyo waaweyn kaga jirta, dhan kalana mabaadii’ diineed wadata, ayaa qaarkood kala tageen, waxaana ugu dambeeyay Wasiirkii Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo aan kasoo muuqananin fagaarayaasha kooxda dhowaanahan.

Qabiilka mise mabaadii siyaasadeed

Caqabadaha kale ee hadda taagan ayaa ah in ka maqnaanshaha Puntland iyo Somaliland ay ka maqan yihiin shirarka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ay ku noqotay madaxweyne Xasan Sheekh utun ku taagan, iyadoo dad badani u fasireen in shirka madasha oo ay labada dowlad gobolleed ka maqan yihiin ay ka dhigan tahay inaan loo dhameyn go’aannada kasoo baxa.

Madasha Qaranka, oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, ayaa Arbacadii soo saaray go'aamo cusub.
Madasha Qaranka, oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, ayaa Arbacadii soo saaray go’aamo cusub.

Waxaa sidoo kale jira cadaadiska xubnaha beesha caalamka oo ku dirqinaya Xasan Sheekh inuu tanaasul la yimaado, dibna u keeno Puntland iyo Jubbaland.

Sababahaan dartood ayaa shirka Madasha loogu soo daray SSC-Khaatumo, loogana dhigay dowlad goboleed. SSC-Khaatumo ayaa ku saami ah Puntland iyo Jubaland dhanka qabiilka marka loo eego.

Waxaa sidoo kale xisbiga madaxweynaha lagu casumay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), walow xubno sare oo beelaha Digil iyo Mirifle ay horey ugu jireen xisbiga, ayna jirto is diidananaan dhexdooda ah sida loollanka ka dhex jira madaxweyne Laftagareen iyo agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, haddana ah Xoghayaha Xisbiga Xasan Sheekh.

Si kastaba, dadka dusha kala socda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in marka la isku duubo hawlaha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya ay iskugu soo biyo shubanayaan hal ujeeddo: oo ah in la xaqiijiyo in Xasan Sheekh si joogo kursiga wixii ka danbeeya May 2026.

Laakiin cabsida taagan ayaa ah in haddii qorshahan lagu sii socdo, khilaafka siyaasadeed iyo midka amni uu sii dheeraado, in taasi ay horseedi karto in dalku galo qalalaase ay adag tahay inay Soomaaliya ka badbaado xilli beesha caalamka ay hoos u dhigtay ahmiyaddiinta arrimaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News