SO | EN

SO | EN

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo kahadlay jabkii soo gaaray ciidankooda

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxda labada xisbi mucaarad ee ka jira deegaannada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay guul-daradii shalay ciidamada maamulka Somaliland kasoo gaaray dagaal ay la galeen ciidamada Khaatumo iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale, hoggaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu ka xun yahay waxii shalay ka dhacay xerada Goojacadde, waxa uuna shacabka Somaliland ugu  baaqay midnnimo iyo in ay la yimaadaan isku duubni.

“Waxaan shacabka Jamhuuriyadda somaliland ee xariirta ah meel kasta oo ay joogaan u soo jeedinayaa inay mid ahaadaan oo isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda” ayuu yiri Cabdiraxman Cirro .

Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa isna ka hadlay dagaalii looga adkaaday ciidanka Somaliland,  waxa uuna isna shacabka ugu baaqay in ciidanka is barbar taagaan si ay u guuleestaan.

“Waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland maanta waxaa loo baahan yahay in ciidamadeena aan is-barbar taagno, dhacdooyiinkan maalmahan socda waxan kaga gudbeynaa midno, waa inaan kala saarnaa calanka, ciidda iyo maamulka xun,” ayuu yiri Feysal Waraabe.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay subax awood looga saaray xeradii Goojacadde ay ka dagaalamayeen muddo todobo bilood ah, waxaana ciidamada halkaasi looga qabtay maxaabiis badan uu ku jiro taliyihii xerada Goojacadde.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News